Hargeysa (Arabsiyo) – Dawladda Costa Rica ayaa xidhay oo masaafuriyay Lutrnan Warsame Faarax, oo lagu sheegay inuu yahay curadka hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, kaasi oo ah Fu’aad Shangoole.
Ninkaan ayaa lagu xidhay dalka Costa Rica, halkaas oo uu hoteello ka deganaa, isagoo isticmaalayay aqoonsiyo been-abuur ah iyo baasaboor Swedish ah oo qof kale uu leeyahay, sida ay sheegtay dowladda Costa Rica.
Ninkan ayaa markii hore loo masaafuriyay dalka Guatemala, balse wakiillo ka socday Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida dalkaas ayaa dib ugu soo celiyay Costa Rica.
FBI-da Maraykanka ayaa ka digtay bishii February 2023 suurtagalnimada joogitaanka xubin ka tirsan Al-shabaab ee Costa Rica, Lutrnan Warsame Faarax waxaa ku jira liiska FBI-da ee Xarunta Baadhista Argagaxisada.
Lutrnan Warsame Faarax ayaa galay Costa Rica January 4, 2023, isagoo isticmaalayay baasaboor Swedish ah oo uu leeyahay nin lagu magacaabo Luqman Abdi Aziz, waxaanu dalkaas joogay muddo bil ah ka hor inta aanu tagin marin xuduudeedka Nicaragua.
Aabaha dhalay Lutrnan ayaa lala xidhiidhinayaa inuu fududeeyay weerar argagixiso oo Al-shabaab ay ka geysteen Sweden 2011-kii.
Dowladda Costa Rico ayaa sheegtay inay ninkan u musaafurindoonto Soomaaliya.









