Faysal Oo Ka Sii Hadlay Ajandaha Wada-hadallada U Bilaabmaya Somaliland Iyo Soomaaliya

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in loo bahan yahay in wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay ku bilowdaan soo celinta heshiisyadii labada dhinac hore u wadagaleen.

Faysal Cali Waraabe oo farriin u diray Ergayga dhawaan dowladda Soomaaliya u magacowday wada-hadallada, ayaa sheegay in loo bahan yahay in laga wada-hadlo sidii laba dal oo walaalo ah loo noqon lahaa.

“Soomaaliya iyo Somaliland hadday wada-hadlayaan mid uun baanu ka wadahadlaynaa, waxaanu ka wadahadlayna sidii aanu wax u qaybsan lahayn, laba dal oo walaalo ah” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa.

Waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in wada-hadalladu ku bilaabmaan weji wanaagsan, oo walaalnimo ka muuqato, isla- markaana la soo celiyo heshiisyadii labada dhinac hore u galeen, nabaddana laga wada shaqeeyo.

“Somaliland gorgortan gali mayso, haddii aad dalkiina Soomaaliya gorgortan galiseen oo 5 u qaybiseen, anagu talada dalkayaga mar dambe cid la yeelan mayno..” ayuu yidhi, isagoo farriin u diraya Soomaaliya, waxaanu intaa ku daray in Dowlada Soomaaliya looga fadhiyo in ay qirto in Somaliland iyo Somaliya ahaayeen laba dal oo walaalo ah, oo kala madaxbannaanaa oo midoobay 1960, isla markaana ay dib u kala baxeen.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office