Mac-had Caalamiya Oo Sheegay In Xiisadda Laascaanood Ay Abuureen Hadhaagii Siyaad Barre

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Mac-hadka Caalamiga ah ee ‘Lemkin’ oo ka shaqeeya baadhista iyo ka Hor-tagga Dabar-goynta loo geysto Bulshooyinka Dunida, ayaa War War-bixin ka soo saaray Xiisadda ka aloosan Magaalada Laascaanood.

Mac-hadkan oo hore gacan uga geystay baadhista Xasuuqii uu Taliskii Maxamed Siyaad Barre u geystay Shacabka Somaliland, ayaa War-bixintiisa ku muujiyey sida Kacdoonka Laascaanood ee dagaalka isku beddelay uu khatarta ugu yahay Madax-banaanida Somaliland iyo Nolosha Beelaha Isaaqu ka mid yahay, maaddaama oo dadka Laascaanood dhibaatada ka wada ay fikir wadaag yihiin hadhaagii Taliskii Maxamed Siyaad Barre ee Shacabka Somaliland dhibaateeyay.

War-bixinta Mac-hadka ‘Lemkin’ oo Arabsiyo News u rogtay Afka Soomaaliga, ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:-

“Machadka Lemkin waxa uu qeylo dhaan ka muujinayaa rabshadaha siyaasadeed ee aafeeyay Jamhuuriyadda Somaliland tan iyo bishii December ee ina dhaaftay.

Rabshadahan oo si toos ah u noqday afti toos ah oo loo qaadayo midnimada dhuleed ee Somaliland iyo qadiyadda gooni-isu-taagga, waxay halis gelinaysaa kooxihii siyaasadda Soomaaliya ee taariikh ahaan iyo fikir ahaanba ku xidhiidhsanaa taliskii Siyaad Barre ee xasuuqa u geystay dadka Isaaqa ah ee Somaliland sannadihii 1980-aadkii. Haddaba, shaqaaqooyinkii dhawaan dhacay waa khatar ku soo cusboonaaday beesha Isaaq iyo suurtagalnimada duulaan ka sii ballaadhan oo lagu soo qaado guud ahaan aqoonsiga Somaliland.

Rabshado ka dhacay Bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, markii ay kooxo aan la aqoonsani ku dileen magaalada Laascaanood Siyaasi Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi oo ku magac dheeraa ‘Hadraawi’ oo ahaa guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee Gobolka, Inkasta oo aanu ahayn masuulkii ugu horeeyay ee lagu dilo magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, haddana tan iyo markii uu dilku ka dhacay ayaa waxa isa soo taraya shaqaaqooyinka dilka ahaa, isla-markaana ay isku horfadhiyaan ciidamada qalabka sida ee Somaliland iyo maleeshiyaad ka tirsan gobolka Sool, kuwaas oo bilaabay ay dalbadaan in Somaliland la soo afjaro maamulkeeda, beddelkeedana Maamulkeeda lagu wareejiyo Soomaaliya.

Qaar ka mid ah salaadiinta beesha Dhulbahante ee Sool, ayaa iyaguna taageeray in dhulka bariga Somaliland lagu daro Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Mudaaharaadyo ay dhigayeen dadka deegaanka Laascaanood iyo Maleeshiyada deegaanka oo lagaga soo horjeeday dilka Marxuumka, ayaa bilaabmay bishii December, waxaana uu socday January oo dhan, waxana ku dhintay 82 qof oo rayid ah, in ka badan 400 oo kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad dhexmaray ciidamada dawladda Somaliland, kooxo maleeshiyo ah, iyo dad rayid ah, sida ay sheegtay wakaaladda Anadolu ee dalka Turkiga.

Dhawrkii bilood ee u dambeeyay waxa ay ahaayeen bilihii ugu dhimashada badnaa ee Somaliland soo mara tan iyo 1980-kii, markaas oo dawladdii Siyaad Barre ee Soomaaliya ay xasuuq u geysatay beesha Isaaq.

Somaliland waa dal madax-banaan oo muddo soddon sannadood ah ku naaloonayey nabad-gelyo la yaab leh, tan iyo markii lagu dhawaaqay inay ka go’een Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Soomaaliya, waxa ay soo martay sanado badan dagaalo sokeeye iyo xasilooni darro ay ku sifoobeen kooxo kala duwan oo argagixisa iyo nabad-diidka ah sida Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada Puntland, iyo sidoo kale in la takooro qowmiyadaha aan Soomaalida ahayn.

In kasta oo colaadda dhawaan ka dhacday magaalada Laascaanood lagu tilmaamay mid isir ku salaysan oo u dhaxaysa beelaha wada dega gobolkaasi, haddana waa dagaal siyaasadeed, dhaqaale, iyo malaha halgan aragtiyeed, kaas oo salka ku haya qadiyadda Somaliland.

Go’aan qaadasho, oo ay ugu horeyso beesha Isaaq, balse ay taageersan yihiin beesha Gudabuursi ee gobolka Awdal, beesha Ciise, Dhulbahante iyo Warsengeli ee beesha Daarood, iyo kuwo kale.

Kuwa ka soo horjeeda madax-bannaanida Somaliland, waxa laga yaabaa in ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasiloonida Somaliland, maadaama ammaanka Somaliland ka jiraa uu ka hortagayo dad badan oo dano gaar ah ka leh Soomaaliya, kuwaas oo maamula hababkii qalalaasaha siyaasadeed.

Al-Shabaab iyo kuwa kale ee xidhiidhka la leh Al-Qaacida iyo Daacish ee ku sugan gobolka ayaa si badheedh ah u abuuraya fowdo si ay ugu diyaar garoobaan gogol-xaadhka (Arrintaasi).

Tan iyo bishii February Somaliland waxay ciidamadeeda kala baxday Laascaanood si ay uga fogaato khasaare nafeed oo kale.

Laascaanood waxaa hadda gacanta ku haya guddi ka kooban 33 oday oo ka soo jeeda beesha Dhulbahante, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay Dawladda Somaliland u ogolaadeen in ay dib ugu soo laabtaan Sool iyagoo ka duulaya nabad waarta. Qaar ka mid ah Isimada Dhulbahante ee ku sugan Sool ayaa hadda ku baaqaya in la dhiso maamul ay iyagu leeyihiin oo federaal ah oo ka dhisan Soomaaliya oo la magac baxay SSC-Khaatumo.

Mac-hadka Lemkin waxa uu ka walaacsan yahay luuqadda ka jirta gobolka Sool ee lagaga soo horjeedo Somaliland, kuwaas oo lagu faquuqayo dadka reer Somaliland, kuwaas oo ay ku jiraan xubnaha beesha Dhulbuhante ee taageersan sheegashada Somaliland, iyaga oo ku tilmaamaya dadka reer Somaliland kuwo gooni-u-goosad ah iyo kuwo khaa’inul waddan ah. Luuqadani waxay ujeedadeedu tahay in lagu wiiqo xaqa ay reer Somaliland u leeyihiin aayo-ka-tashigooda, waxaanay halis u tahay in mar kale la xasuuqo reer Sheekh Isaxaaq iyo cid kasta oo u hiilin lahayd madax-banaanida Somaliland.

Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya shaqsiyaad ku baaqaya in la laayo “Gooni-goosadka’ kuwaasi oo ah erayo u eg Taliskii Siyaad Barre.

Mac-hadka Lemkin waxa uu xasuusinayaa caalamka in dadka reer Somaliland ay xaq u leeyihiin in ay aayo katashigooda ku qaataan sheegashada Madax-banaanida dhulkii Ingiriiska (Maxmiyadda u ahaa).

Waxaan sidoo kale xasuusineynaa beesha caalamka in xaqa aayo-ka-tashigu uu yahay mid ka mid ah xuquuqaha aasaasiga ah ee nidaamka caalamiga ah.

Xaqa aayo-ka-tashigu waxa uu si qoto dheer ugu xidhan yahay xuquuqda dadka si ay u noolaadaan jidh ahaan iyo dhaqan ahaanba. Haddaba, ilaalinta ku-dhaqanka xuquuqdan ayaa lama huraan u ah ka-hortagga xasuuqa.

Aynu xasuusanno in aanay Somaliland oo keliya gooni-isu-taagga Soomaaliya ku xidhnayn taariikhda gumaystaha ee mandaqada, balse ay tahay mid toos ah oo ka dhalatay xasuuqii loo geystay dadka beesha Isaaq ee dhacay intii u dhaxaysay 1987 ilaa 1989 ee kali-taliskii Siyaad Barre.

Xasuuqani waa mid la ilaaway, oo aan la baadhin, isla-markaana aan la ciqaabin (Dadkii geystay), duruufahaas oo mar labaad halis geliyey beesha Isaaq oo ku dhex jira dhibaatada maanta taagan.

Mac-hadka Lemkin waxa uu ugu baaqayaa Soomaaliya inay ixtiraamto xuquuqda ay reer Somaliland ku leeyihiin aayo ka tashigooda, isla-markaana ay awoodooda isugu geeyaan la dagaalanka xasilooni darada gudaha, rabshadaha, macaluusha iyo ku faafidda kooxaha argagixisada ah ee dalkeeda iyo gobolkaba.

Mac-hadka Lemkin waxa kale oo uu beesha caalamka ugu baaqayaa inay si balaadhan u aqoonsadaan madax-banaanida Somaliland oo ah dal madax-banaan oo nabadda jecel oo ku sifoobay dhawr iyo soddon sano oo xasilooni siyaasadeed iyo mid bulsho iyo dhaqanka ilaalinta beelaha kala duwan, kaas oo ku qotoma dhaqankii soo jireenka ahaa. ictiraafka balaadhan ee gooni isu taaga Somaliland waa in uu la socdaa aqoonsiga xasuuqa beesha Isaaq iyo sidoo kale taageero dhaqaale iyo mid sahayba si loo xoojiyo hay’adaha Qaranka iyo in la sameeyo hannaan cadaalad ku meel gaadh ah oo lagu go’aaminayo mas’uuliyadda dambiilayaasha iyo in si sax ah loo saxo dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday.

Sidoo kale, waxaanu Somaliland ugu baaqaynaa inay sharciga ku xoojiso mabaadi’da caalamiga ah, isla-markaana ay ka hortagto iska hor imaad kasta oo gudaha ah ama kacdoono ka dhex abuurma qaab dhismeedka dastuurkeeda iyo nidaamka cadaaladda dembiyada.

Waxaan soo dhawaynaynaa dalabyada soo noqnoqda ee Somaliland ee ah inay la xaajooto hoggaamiyayaasha mudaaharaadyada Sool iyo sidoo kale dedaalladii ugu dambeeyay ee ay ku yaraynaysay xiisadda iyadoo Ciidanka ka soo saartay Laascaanood.

Mac-hadka Lemkin ayaa dad badan oo ku nool gobolka la wadaaga walaaca ay ka qabaan in mudaaharaadyada hadda socda ay ka dambeeyaan xoogagga ka faa’ideysanaya beerista tafaraaruqa, isir iyo qabiil, iyo fowdo.

Waxaan dad badan la wadaagnaa welwelka ah in kuwii xasuuqay Isaaqu ay weli saameyn ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya oo ay ku shaqeeyaan si aan sharciga waafaqsanayn.

Haddaba, waxaanu beesha caalamka ugu baaqaynaa inay deg-deg ugu gurmadaan oo ay dhaqaale badan ku bixiyaan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa gobolka Sool, iyadoo la caddeeyey arrimaha dhabta ah, lagana shaqeeyo sidii xal nabadeed loogu heli lahaa dhibaatada taagan.”

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office