Hargeysa (Arabsiyo) – Somaliland, ayaa sheegay in uu wado howlgal lagu soo dabaalayo nabadii iyo daganaanshihii magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool.
Qoraal lagu daabacay bogga Twitterka ee ciidanka millateriga, ayaa lagu soo hadal qaaday saldhiga Gooja-cadde iyo howlgal la sheegay in lagu soo celinayo nabada Laascaanood.
“Saldhigga Gooja-cadde waxa aas aasay Ciidamada Difaaca Somaliland, waxaana taageeray qaramada nabadda iyo dimuquraadiyada jecel ee beesha caalamka, hada howlgalka nabad soo celinta ee socda u jeedadiisa ugu wayni waxa weeyi in nabad iyo daganaansho Laascaanood lagu soo celiyo”.
Kadib, dagaalo soo noqnoqday oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo ciidamo beeleedyo reer Laascaanood ah iyo ciidamo beeleedyo uga soo gurmaday dhanka Puntland, millateriga Somaliland ayaa 26 bishan sheegay in uu talaabo millateri oo qorshaysan qaadayo.
Dhawaqa kasoo baxay ciidanka ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah, kadib muddo 2 bilood ah oo ay Somaliland xabad joojin ku dhawaaqasay, garaadada Laascaanood ku sugan ayaa iyaguna dhankooda sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan Somaliland.
Dedaalo la doonayay in labada dhinac nabad looga dhex dhaliyo ayaa badan koodu guuldaro ku soo dhamaaday, haddana waxa Laascaanood ku sugan odayaal Muqdisho ka yimid oo sheegay in ay xal raadis yihiin, lamana oga halka ay caga dhigan doonto waan waanta odayaashu.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









