Buuhoodle Oo Lagu Af-duubay Baabuur Muqdisho Laga Leeyahay

0

Buuhoodle (Arabsiyo) – Baabuur ka badan 10 oo siday Khudrad laga keenay Dalka Soomaaliya, ayaa lagu qabsaday Magaalada Buuhoodle.

Gaadiidkan oo ay lahaayeen Ganacsatada Khudaarta ee dalka Soomaaliya, ayaa doonayey inay yimaaddaan dhanka Magaalooyinka Somaliland, laakiin markii ay soo gaadheen Magaalada Buuhoodle, ayaa waxa leexsaday Dad ka soo horjeeda Somaliland isla-markaana hore u sheegay inay ka hor tagayaan Gaadiidka Ganacsi ee u socda Somaliland.

Dadka Gaadiidkan qabsaday, ayaa doonaya inay tqageero u muujiayaan Maleeshiyaadka Laascaanood ee dagaalka kula jira Ciidamada Somaliland.

Laakiin, Madax-dhaqameedka Beesha Hawiye oo ka hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay gaadiidka lagu qabsaday Magaalada Buuhoodle, waxayna sheegeen in Gaadiidku gaadhayaan illaa 18, Raggii la socday oo dhan 48-na aan la ogayn halka la geeyay.

Madaxda dhaqanka, ayaa sheegay in falka lagula kacay Gaadiidkooda khudradda siday ay ku khasbayso inay iyaguna Muqdisho ka hor-joogsadaan dhaawacyada Dagaalka Laascaanood ee halkaa la geeyo.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office