Nairobi (Arabsiyo) – Taliyaha Ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland Axmed Hurre Haarriye, ayaa mar kale kulan la yeeshay Safiirka Dawladda Thailand u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland oo fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo safar ku tagay Nairobi, ayaa waxay Safiirka Thailand Sasirit Tangulrat, ka wada-hadleen Badqabka shaqaalaha Markab Thailand leedahay, kaasi la sheegay inuu ka xanib yahay Biyadda badda ee u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti oo uu markii hore hawlo kalluumaysi halkaa u yimid.
Warbaahinta Thailand oo soo xiganaysa Wasaaradda Arrimaha dibedda Dalkaas, ayaa baahisay in Taliye Axmed Hurre Haariye uu u xaqiijiyey Safiirka Thailand in Ilaalada Xeebaha Somaliland diyaar u yihiin inay gurmad degdeg ah u fidiyaan, haddii ay dhacdo in shaqaalaha Markabka Thailand ay dhibaato kala kulmaan xeebaha Somaliland.
Waa markii labaad ee Safiirka Thailand uu kulan la yeesho Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









