Itoobiya Oo Ku Gacan-saydhay War Ka Soo Baxay Mareykanka

0

Addis Ababa (Arabsiyo) – Dowladda Federaalka Itoobiya, ayaa ku gacan saydhay warbixin kasoo baxday Mareykanka, taasi oo ku eedeyneysay ciidamada dowladda, kuwa gobolka Amxaarada iyo ciidamada Eritrea inay dambiyo dagaal geysteen labadii sano ee uu dagaalku ka socday Gobolka Tigreega.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya waxay warbixinta Mareykanka ku tilmaantay mid la soo xushay oo daandaansi ah oo kala qeybsanaan horseedi karta si khaldana loola taliyay Mareykanka.

Dawladda Itoobiya waxay warbixinta ku sheegtay mid xaq darro ah.

Isniintii, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya, Eritrea iyo Amxaarada ay geysteen dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, balse wax eedeyn ah uma aanu jeedin jabhadda (TPLF).

Anthony Blinken ayaa booqashadiisii ​​ugu horreysay ku tagay Itoobiya toddobaadkii hore, tan iyo markii heshiis nabadeed ay kala saxeexdeen bishii November ee sannadkii hore dowladda federaalka iyo fallaagada Tigray.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office