Xasan Sheekh Maxamuud Oo Dhaqan-geliyey 8 Sharci

0

Muqdisho (Arabsiyo) – Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa munaasabad ka qabsoomtay gudaha Madaxtooyada Soomaaliya waxa uu ku saxeexay ilaa 8 sharci oo ay hore u ansixiyeen labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa dhinacyadiisa taagnaa marka uu saxeexayay sharciyadan guddoomiyaasha labada Gole ee Baarlamaamka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in hindise sharciyeedyadaan uu saxeexay ay yihiin kuwa muhiim u ah Soomaaliya, kuwaas oo kala ah

  1. Sharciga La-dagaallanka Argagixisada
  2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya,

3 .Sharciga  Socdaalka,

  1. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha
  2. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiisa,
  3. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,
  4. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.
  5. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa ku bogaadiyey guddoonka labada Aqal iyo mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya sida ay u dardar geliyeen ansixinta sharciyadaan oo uu sheegay inay aas aas u tahay dowladnimada Soomaaliya iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku amaanay Golaha Xukuumadda Fedaraalka iyo khubarada Soomaaliya soo diyaarinta shuruucdan, waxuuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliya, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo.

 Arabsiyonews.com/Hargeisa Office