Buuhoodle (Arabsiyo) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa Maanta gaadhay Magaalada Buuhoodle.
Cabdirisaaq Khaliif, ayaa safar dhinaca dhulka ah kaga yimid Magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo uu Maalmihii u dambeeyay ku sugnaa, ayaa gaadhay Buuhoodle, halkaas oo la soo weriyey inuu uga soo gudbayo Laascaanood.
Khaliif, ayaa markii uu gaadhay Buuhoodle waxa halkaa ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Odayaasha Buuhoodle, kuwaasi oo sida la soo weriyey la yeeshay kulan ku saabsan Ujeeddada Safarkiisa iyo Xaaladda Colaadeed ee Laascaanood.
Cabdirisaaq Khaliif, ayaa la fikir noqday Garaaddada beeshiisa ee Shirkii ay Laascaanood ku qabteen uu abuuray dagaalka socda, ayaa Xukuumadda Somaliland soo jeedisay in Maamuus ka xayuubin lagu sameeyo, laakiin weli arrintaasi ma hirgelin.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office