Hargeysa (Arabsiyo) – Askari ka tirsan Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa lagu dilay magaalada Hargaysa, xili uu howlgal ku jiray sida booliisku sheegay.
Cabdillaahi Cali Axmed oo ka tirsanaa qaybta booliiska bariga Hargaysa, ama saldhiga booliiska ee Macalin Haaruun, ayaa lagu dilay magaalada Hargaysa.
Afhayeen u hadlay Ciidammada booliiska Somaliland, ayaa sheegay in la soo qabtay eedaysanihii dilka gaystay.
“Askariga eedaysanihii dilay gacanta ayaa lagu soo dhigay waanu xidhan yahay, kiiskiina waa la baadhayaa, ninka dilka ku eedaysani ma fakan, in badan ayaa la raadiyay imikana wuxuu ku xidhan yahay Xarunta CID-da, maxkamadda ayaana loo gudbinayaa..”
Waxa uu sheegay in marxuunka gacan ka xaqdarani dishay isaga oo shaqo ku jira, isla markaana la hayo markhaatiyo, waxa kale oo uu beeniyay wararka sheegaya in aano qabiil ahaan loo dilay askarigan oo ka soo jeeda gobolka Sool.
“Dilka askarigaasi waa dil si caadi ah u dhacay, kama muuqato in qabiil loo aaneeyay, ama loo dilay, sida baadhistu muujinayso, waxaanu ka digaynaa dadka si kale u dhigaya ee leh qabiil ayaa loo aaneeyay oo loo dilay” ayuu yidhi.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office