Muqdisho (Arabsiyo) – Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ayaa mar kale waxay u cambaareeyeen dagaalka iyo duqeymaha ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
War-saxaafadeed ay soo saareen Wakiilada Beesha Caalamka Shalay, ayay ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin xaaladda mururgsan iyo barakaca baahsan ee weli ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ee Somaliland.
Beesha Caalamka waxay sidoo kale qoraalkooda ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin duqeymaha lagu beegsanayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo khasaaraha dhimisho oo ay sababeen duqeymahaasi, laakiin carrabka kuma dhufanin Cidda Masuulka ka ah Duqaymahaasi.
“Saaxiibbada Beesha caalamka waxay si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xidhiidha abaabulka kooxaha hubaysan. Waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si deg-deg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah ” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Beesha Caalamka.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ku baaqay in deg-deg loo joojiyo dagaalka laascaanood, isla-markaana wax walba miiska wada-hadalka lagu dhameeyo, iyagoona sidoo kale ugu baaqday dhinacyada dagaalamaya in ay ogolaadaan in gurmad bini’aadannimo la gaadhsiiyo dadka barakacay iyo kuwa ku sugan gudaha Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.









