Somaliland Oo Ka Hadashay Doorka Ciidammada Soomaaliya Ku Leeyihiin Dagaalka Laascaanood

0

Muqdisho (Arabsiyo) – Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xaqiijisay in qayb ka mid ah Ciidammadeedu ku jiraan Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Dawladda Soomaaliya, ayaa sheegay in Ciidammadeeda dagaalka ku jiraan yihiin kuwo amar la’aan kaga soo baxay xeryihii lagu ogaa isla-markaana iyagoo firxad ah ka qayb-galay Dagaalka.

Laakiin, Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo hadalka Soomaaliya daba socda, ayaa sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin hadalka Soomaaliya ee ah in askarta ka dagaalamaysa Magaalada Laascaanood ay yihiin baxsad.

“Somaliland waxa ay ka warhaysay dedaalada Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay ku doonayeen in ay u tababaraan ciidamada ammaanka Soomaaliya si ay nabbada dalkooda u soo celiyaan, marna maanu filayn in isla askartii la tababaray loo adeegsan doono khalkhal gelinta Amniga Somaliland. Sheegashada ah in askartan ay yihiin kuwo baxsad ah waa waxaan la aqbali karin..”

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office