Hargeysa (Arabsiyo) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dadka ka barakacay Dagaalka Magaalada Laascaanood
Xukuumadda, ayaa sheegtay in Kormeer ay samaysay ay ku ogaatay inay Laascaanood ka barakaceen Qoysas tiradoodu dhan tahay 24 Kun iyo dheeraad, kuwaasi oo gaadhay Tuulooyinka hoos taga degmada Laascaanood, laakiin ay jiraan Qoysas u barakacay deegaano ka baxsan Xuduudka Somaliland oo aanay tiradooda haynin.
Guddoomiyaha Hay’adda Qoxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in dadka reer Somaliland ee ka barakacay Laascaanood ay qabaan dhammaan baahiyaha uu qabo Qof kasta oo Qoxooti ahi isla-markaana ay barakacaasi ka dhasheen Xanuuno iyo Hoy la’aan, Dawlad ahaana ay ka shaqaynayaan sidii Dadkaa Gurmad loo gaadhsiin lahaa “Dadka ka barakacay Laascaanood waa 24,566 Qoys, kuwaasi oo u barakacay Tuulooyinka hoos taga degmada Laascaanood.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Qoxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Dadkaasi waxay qabaan dhammaan baahiyaha uu qabo Qofka Qoxootiga ahi, markaa haddii la iswaydiiyo maxay Dawladdu tallaabo qaadday, waxaanu la shirnay Hay’adaha Qaranka ee arrintani si u saamaynayso Masuuliyaddooda iyo Hay’adaha dalka ku sugan, waxaanu kala hadalnay sidii Dadkaa gurmad deg-deg ah loo gaadhsiin lahaa.”
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay oo kale “Dawladdu way sheegtay waxa ka diyaarka ah ee Dadkaa la gaadhsiinayo, Hay’adahana waxaanu fasax u siinay inay Wixii ay hayaan ay Dadka gaadhsiiyaan, waxayna naga codsadeen inaanu siino Goobaha Dadku u barakaceen, waanuna siinay..” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdikariin Xinif.
Inkasta oo Guddoomiyaha Hay’adda Qoxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland sheegay in Dadka ku barakacay Dagaalka Laascaanood dhan yihiin 24 kun oo Qoys, haddana Qaramada Midoobay waxay sheegtay in Dadka Barakacay ka badan yihiin illaa 80 kun oo Qof.









