WADDANI Oo Xod-xodanaya Ururradii Hadhay

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Wada-hadallo la furay qaar ka mid ah Ururradii siyaasadda ee ku hadhay tartankii ururrada.

Guddi uu arrintaa dhawaan u saaray Guddoomiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Maanta la kulmay Guddoomiyeyaasha Ururada kala ah Ubax, Hangool iyo kuwo kale.

Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo hormood u ah Guddiga WADDANI, oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay Qodobbo badan isku afgarteen Madaxda Ururrada siyaasadda.

Ujeeddada Wada-hadalladan ayaa ah in Ururradii hadhay ku biiraan Xisbiga WADDANI.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office