Hargeysa (Arabsiyo) – Somaliland, ayaa lagu wadaa inay dhawaan bilowdo Qoditaanka Ceelasha Shidaalku ku jiro ee Dalka.
Hawsha shidaal Qodista oo ay taageerayaan Dawladaha Maraykanka, UK iyo Taiwan, ayaa waxa fulinaysa Shirkadda Genel Energy oo laga leeyahay Ingiriiska.
Maaddaama oo hawsha shidaal Qodistu bilaabmayso, waxa Arbacadii Todobaadkii hore Dekedda Berbera ku soo xidhay Markab sida illaa Afar Riig oo ah nooca lagu qodo Ceelasha Shidaalka.
Riigaggan, ayaa sida la sheegay sida ugu dhakhsaha badan loo geynayaa Illaa Afar Gobol oo Shidaal qodis laga bilaabayo, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Gobolka Maroodi-jeex iyo Daad-madheedh.
Dawladda Somaliland, ayaa qorshaynaysa inay sannadkan 2923 gudihiisa soo saarto Shidaalka ku jira goobihii hore loogu sameeyay sahaminta.
Haddii lagu guulaysto Shidaal soo saaridda, Somaliland waxay noqon doontaa Qarankii ugu dambeeyay ee Qaaradda Afrika ee khayraadkiisa la soo baxa.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









