Berbera (Arabsiyo) – Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo ka mid ah saraakiisha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa ka hadlay Xaaladda Magaalada Laascaanood.
Sheekh Saleebaan oo Sabtida Maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Berbera, ayaa sheegay inuu ka xun yahay dadkii Sababaha kala duwan ugu Geeriyooday Magaalada Laascaanood, waxaanu u Caafimaad Alle uga baryey dadkii ku dhaawacmay shaqaaqooyinkii ka dhacay Laascaanood.
Saleebaan Siciid Cali, wuxuu tilmaamay in gacmo-shisheeye ku jiraan arrinta Laascaanood isla-markaana ay Masuul ka yihiin Kacdoonka dadweynuhu sameeyeen, arrimahaas oo dhana aanay Dawladda Somaliland ka qarsoonayn.
Sheekh Saleebaan wuxuu si gaar ah uga hadlay sidii uu Madaxweynaha Soomaaliya uga hadlay xaaladda Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool, waxaanu xusay in Madaxweynuhu caddeeyay in Laascaanood tahay Somaliland, arrinteeduna u taallo Dawladda Somaliland.









