KULMIYE Iyo WADDANI Oo Kala Riixaya Taageerada degmooyinka Hargeysa

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa bilaabay inuu dardar-geliyo Xafiisyadiisa ku yaalla Degmooyinka Axmed Macalin Haaruun, Maxamed Mooge Iyo Maxamuud Haybe.

Degmooyinkan oo ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ku leeyihiin taageerayaal, ayaa xilligan uu Xisbul-xaakimka Kulmiye bilaabay inuu kordhiyo taageerada uu ku leeyahay, maaddaama oo loo diyaar-garoobayo tartanka doorashada Ururrada siyaasadda.

Masuuliyiin ka mid ah Xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminayey Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Xisbigaas Axmed Cabdi dheere, ayaa xadhigga ka jaray Xafiisyo uu Xisbigu halkaa ka furtay.

Kormeerkan taageero-kordhinta ah, ayaa loo fahmi karaa inuu jawaab u yahay socdaal taageero raadin ah oo uu Musharraxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-cirro uu Toddobaadkii hore ku soo maray degmada 26-ka June oo dabcan uu Xisbiga Kulmiye ku leeyahay taageerayaal ka badan kuwa Xisbiyada Mucaaradka ah.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office