Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Safarka Madaxweynaha Somaliland Ee Maraykanka

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay safarka uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku tagay dalka Maraykanka.

War qoraal ah oo uu Maanta soo saaray Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayuu ku sheegay in cid kasta oo Maraykanka gudihiisa ku carqaladaysa Weftiga Madaxweynaha aanay Xisbiga WADDANI matalin.

Warka uu soo saaray Guddoomiye Xirsi ayaa u qornaa sidan  “Salaan qiimo badan ka dib, Xisbiga Waddani wuxuu mar kasta u taagan yahay qarannimada iyo xaqiijinta himilada bulshada Somaliland. Waxaannu aamminsannahay sarraynta sharciga, ilaalinta mabaadi’da guud iyo dhawrista qiyamka oo shareecadu saldhig u tahay. Cid kasta oo intaa ka hor timaaddaa kuma metesho Xisbiga Waddani.”

Guddoomiye Xirsi oo qoraalkiisa sii wata ayaa yidhi “Taageerayaasha xisbiga waxaan u sheegayaa in weftiyada Somaliland heer kasta oo ay yihiin la soo dhaweeyo, mana jirto cid wakhtigan nagu meteli karta in safarka Madaxweynaha la carqaladeeyo, marka loo baahdo mudaharaad waxaynu ku qaban doonnaa gudaha dalka sharciga ayaana inoo oggolaaday. Ilaalinta Qarannimada ayaa inoo ballana, waanad mahadsan tihiin.”

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office