Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa Gelinkii dmabe ee Maanta Safar ugu kicitimay Dalka Maraykanka.
Weftigan oo ka kooban Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga, Arrimaha gudaha, Warfaafinta, Ganacsato iyo xubno matalaya Ururrada Bulshada Rayidka ah, ayaa waxay la dhoofeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay ku sagoogtiyeen Xubno ka mid ah Golaha Wasiirradu.
Weftiga Madaxweynaha oo muddo Toddobaad ah ku maqnaan doona Dalka Maraykanka, ayaa la sheegay inay badankoodu ku dhoofeen Baasaaboorka Somaliland oo Dawladda Maraykanku u ogolaatay.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









