ONLF Ma Waxay Doonaysaa, In Kililka Soomaalidu Ka Go’o Itoobiya Inteeda Kale ?

0

USA (Arabsiyo) – Guddoomiyaha Xisbiga ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi (Maadey), oo hadalo kooban ka soo jeediyay shir ay mucaaradka dowlad degaanka Soomaalidu ku lahaayeen carriga Maraykanka, ayaa waxa uu ka war bixiyay xaaladda degaanka Soomaalidu ku sugan yahay, isla-markaana waxa uu dhaliilo u soo jeediyay xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida iyo dowladda dhexe ee federalka Itoobiya.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in wixii  isbaddalka ka dambeeyay Soomaali ahaan aan sidii la rabay looga faa’iidaysan, isagoo maamulka dowlad degaanka Soomaalida ku eedeeyay inuu ka gaabiyay halkii laga filayay, oo ahayd inuu wax badan ka qabto howlaha dhanka Amniga, Maamulka, midaynta Shacabka iyo in dib u dejin loo sameeyo jabhaddii inta badan halganka ku jirtay, isla-markaana magdhaw la siiyo dadkii kale ee iyaguna dhibaatadu kasoo gaadhay dagaalkii muddada dheer degaanka ka socday, waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiyuhu.

Waxa kale oo uu sheegay Guddoomiyuhu in Soomaalidu ayna waxba ka ahayn heer federal “Nalama xurmeeyo, qayb kuma lihin xafiisyada federalka heerka u koreeya iyo kan u hooseeya midna, inyaroo af-dhabaandhab ah oo hal iyo laba oo dadka la tuso mooyee wax kale kuma lihin..”.ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Maamulka federalka ee degaankeenna jooga isna waa sidaasoo kale waxaan ku leenahay waa fara ku tiris”.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in dowladda federalka Itoobiya ayna Shacabka Soomaalida u arkin kuwo dalka wax wax ku leh, isagoo Guddoomiyuhu taa ka hadlayana waxa uu yidhi “Itoobiya marka saddex loo qaybiyo mid annaga ayaa iska leh, xagga dadkana qolada saddexaad ayaan nahay, Khayraad haddii la yidhaahdana qolada koowaad ama labaad ayaan noqonaynaa, markaa iyadoo saas ah  waxay doonayaan inay dhulkayaga sheegtaan oo ay yidhaahdaan Itoobiya ayaad tihiin, xaqiisana ayna noo oggolaan”.

Guddoomiyuhu wuxuu farriin u diray dowladda federalka Itoobiya, waxaanu yidhi ” Haddaad wada ogoshihiin inaan wada noolaano si nabadgalyo ah, annagoo xaqayaga helayna, waxayaga maamulanayna, waxa la wada leeyahayna si dhab ah u wada qaybsanayna, anaguna waan oggolnahay, haddii kalena ma wada joogayno waana xaqiiq taasi”.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office