WAR CUSUB: Madaxweyne Biixi Oo La Kulmaya Madaxda Aqalka Cad Ee Maraykanka

0

USA (Arabsiyo) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo, oo isugu jira wasiirro, aqoonyahano iyo ganacsato ayaa la filayaa inay Saacadaha soo socda gaadhaan Magaalada Washington DC, iyagoo ka degi doono garoonka diyaaradaha Dulles International Airport ee Magaalada Washingto DC.

Safiirka Somaliland u jooga Washinton D.C iyo Alexandaria oo u warramayay idaacadda WJFKa Morning Side Radio ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu kulan la qaadan doono saraakiisha Aqalka Cad, gaar ahaan Golaha Amaanka Qaranka Maraykanka oo loo yaqaano ‘White House Security National Council’ ( WHNSC ), Wasaarada Difaaca Maraykanka (Department of Defence), Wasaaradda Arimaha Dibedda Maraykanka (State Department), saraakiil sare oo ka tirsan aqalka Koongarayska Maraykanka, Madaxa hay’adda deeqaha ee Maraykanka ee loo yaqaano USAID, Samantha Power.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu la kulmi doonaa Ururrada kale ee qaabilsan Gargaarka Maraykanka iyo ururrada qaabilsan ilaalinta deegaanka.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee Dulles ku sugaya boqollaal ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka, kuwaasi oo iskaga kala yimid Gobollada dalka Maraykanka.

Mid ka mid ah dadka soo dhaweynta Madaxweynaha u diyaar-garoobay, ayaa Warbaahinta Arabsiyonews u sheegay inuu ka soo safray Gobolka Minesota, isla-markaana uu Washington u yimid uu Madaxweynaha iyo Weftigiisa soo dhaweeyo “Lacag 3000 dollar ah ayaa igaga baxaysa soo dhaweynta Madaxweynaha, waayo? Diyaarad baan u soo raacay Washington, hoteelna aan seexdana waan kiraystay intaan Madaxweynaha sugayo..” ayuu yidhi Muwaadinkaasi qurbe-joogga ahi.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office