Hargeysa (Arabsiyo) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Xukuumadda haysa Talada Somaliland ku eedeeyay inay diwaangelinta Ururrada ururrada siyaasadda ee cusub uga faa’idaysanayso muddo-kordhin.
Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi oo qoraal ku baahiyey Internet-ka, ayaa sheegay in aanay Xisbi ahaan is haysan Ururrada siyaasadda, balse ay Ururrada siyaasadda ee illaa hadda lagu dhawaaqay ay ku jiraan kuwo uu ugu yeedhay ‘Buul-hunguri’ Xukuumaddu masuul ka tahay aasaaskooda.
Khadar Xuseen Cabdi oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Labada Xisbi mucaarad kama soo horjeedaan diiwaan galinta ururrada cusub ismana haysano raga hanka leh ee doonaaya inay ururo furtaan. Waxaanu is haysanaa Kulmiye oo doonaaya inay diiwaan galinta ururada cusub u adeegsadaan mudo kordhsi iyo buul hunguriyo ay iyagu soo abaabuleen oo ka shaqaynaaya sidii mudo kordhsi loo heli lahaa. Raga ururada raba ee ay dhabta ka tahay sida Cabdillaahi Darawal oo kale waanu soo dhawaynaynaa. Bal adigu waxaad is waydiisaa waxa marka aanu hadalo qolada buul hungurigu noogu jawaabto ileen anagu waxaanu ka hadlaynaa doorashadii madaxtooyadee.”









