Amniga: Xidhiidh Wada-shaqayneed Ma Dhex Mari Karaa Somaliland Iyo Soomaaliya ?

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Taliyaha Ciidamada Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, ayaa sheegay in ka ciidan booliis ahaan ay wada shaqayn la leeyihiin dhammaan waddamada jaarka ah marka laga reebo dowladda Soomaaliya, oo uu sheegay in anay wax wada shaqayn ah la lahayn.

“Waddamada jaarka ah xog wadaag ayaanu leenahay marka laga reebo Soomaaliya, Itoobiya xog iswaydaarsi ayaanu leenahay, Jabuuti waanu leenahay, dowladda badan oo kale ayaanu leenahay, Koonfur Afrika, Ingiriiska ayaanu leenahay,” ayuu yidhi Dabagale oo u warramay Telefiishanka Universal

Taliyaha Booliska oo la waydiiyey in marka siyaasadda laga yimaaddo ay muhiim ahayd inay Dawladda Soomaaliya ka wada shaqeeyaan arrimaha amniga, ayaa sheegay inuu khalad u arko in siyaasadda oo aan laga heshiinin wax kale laga wada shaqeeyo “Khalad baan u arkaa waa in aynu siyaasadda ka heshiino horta, siyaasadda oo laga heshiiyo mooyaane nabad galyana kama wada shaqayn karno, iskumana iman karnaba” ayuu yidhi Taliye Dabagale.

Ka sakow hadalka Taliyaha Booliska, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo isla su’aashan, ayaa ku jawaabay in Dawladda Soomaaliya diidday inay amniga ka wada shaqeeyaan Somaliland.