Ruushka Oo Arrin khatar Ah Ku Eedeeyay Maraykanka

0

Moscow (Arabsiyo) – Xukuumadda Moscow ayaa ku eedaysay Maraykanka inuu maalgeliyay xarumo Ukraine ku yaalla oo lagu hormariyo hub biological ah.

Igor Konashenkov oo u hadlay wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka, ayaa sheegay in Maraykanka uu doonayo in si qarsoodi ah uu hubkaas khatarta ah ugu adeegsado.

Maraykanka ayaa beeniyay eedeyntaas culus ee uga timid Ruushka.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa inuu kulan xasaasi ah ka yeesho eedaynta Ruushka, kadib markii uu codsaday Ruushka.

Hubka biological-ka ayaa ka mid ah kuwa mamnuuca ka ah caalamka, isla-markaana aan lagu isticmaali karin dagaallada.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office