Sheekh Somaliland Caan Ka Ahaa Iyo Qoyskiisa Oo La Waayay

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa wada baadhitaan ay ku ogaanayaan halka uu tagau Sheekh Aadan-sunne oo ka mid ahaa Culimada ku nool Hargeysa.

Saddex Maalmood ka hor, ayaa la waayay Sheekha iyo Xubnaha Qoyskiis oo ka kooban  7 Hablood, 2 Wiil iyo Xaaskiisa.

Waxa la sheegay in xubno ehelka Sheekha ka mid ah oo Gurigiisa tagay ay Booliska ku War-geliyeen in aanay garanayn Sheekhu halka uu jaan iyo Cidhib dhigay, markaasi ka dibna ay Ciidammada Booliska, gaar ahaan kuwa dambi-baadhistu tageen Gurigiisa oo ku yaalla Daanta Koonfureed ee Hargeysa.

Warku wuxuu intaa ku darayaa, In Boolisku ay qaateen Kamarad nooca loo yaqaano ‘CCTV’ oo ku xidhnayd Meherad ku taalla ka soo horjeedka Guriga Sheekha, si ay baadhitaan ugu sameeyaan, si fududna ugu ogaan karaan waxa ka dhacay Guriga Sheekha.

Sidoo kale, Jimcihii Maanta ayaa Masaajidkii Sheekhu Tukin jiray waxa laga xaqiijiyey maqnaanshiyaha Sheekhaasi.

Sheekh Aadan-sune ayaa ka mid ahaa Culimada aan la dhacsanayn nidaamka dimuqraadiga ah ee Somaliland ku dhaqantu, waxaanu in badan ka dhaliilay fagaareyaal.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office