Mohamed ﷺ oo Allah doortay ayaa shaqo u joogay MAKA, markan Mohammed ﷺ ma haysto tageero wayn oo shacbi kaliya balse waxa u dheer tageeradda EEBBE. maalmahan Mohammed ﷺ waxa ka kala go’ay xiriirkii tooska ahaa ee uu la haystay EEBBE . Se waxa miiska saaran su’aalo mashqac ah oo ay waydiinayaan Mohammed ﷺ duulkii xaqa diidana . Waxyi oo soo daga maahane Mohammed ﷺ jawaabo uma hayo. Markan waxa aad u faaftay dacaayad ah waxba islama hayo Mohammed ﷺ ee haku daalina waakas jawaabi waayaye .Quraysh 3 Su’aalod ayay wateen markan oo jawaab hadii ay u halaan u tixgalin lahaayeen Mohamed ﷺ Nabi ahaan .
Mohammed ﷺ EEBBE ayaa xasuusinaya xasuuso niyaddiisu ku dagto Hadii tolkii rumayn waayeen EEBBE ayaa xasuusinaya Nabi Nuux oo xata qoyskiisu rumayn waayeen . Hadii dhaqan xumo iyo dhaga adeeg uu Mohammed ﷺ ka cabto EEBBE ayaa xasuusinaya Nabi luud oo tolkii dhaqanxumada koobka qaadeen heer ay banaanka ku sameeyan waxkasta oo xun . Hadii tuugo iyo wax is daba marin ay noqoto EEBBE ayaa xasuusinaya Nabi SHUCAYB oo tolkii tuuganimada koobka qaadeen .
Markan waxa soo dagtay suuradda suuradaha quraanka Surah KAHF . Suuradan waxay sida Nolol iyo naxariis EEBBE waxay sida jawaabo waawayn oo noloshaada anfac u leh nolosha Nabi Mohammed ﷺ anfac yaabkiisa leh iyo waxtar u noqotay . Waa jid aad EEBBE kula macaamili karto hoos ugu daadag Surah kahfi
EEBBE wuxu Mohammed ﷺ ku leeyahay waxan kaga waramaya qisas si ay laabtaadu u xasisho Ugana kabato waxkasta oo caqabad ku ah shaqada umadeed ee Nabigeena Mohamed ﷺ Hayay
Mar kale EEBBE ayaa ku leh Mohammed ﷺ qisaska uga sheeke umadaada waxay mudanyihiin in ay fakaraane . Caadiyana qisasku sidooda ayay u yihiin cibro sugan waana sababta EEBBE Mohammed ﷺ uga waramay qisaskii hore ee ambiyadda si uu ugu dareemo xasilooni iyo firfircooni hor leh .
Qisasku waxa ay safka hore kaga jiraan waxyaabaha baniadamka qalbigiisa dajiya, qof dhalinyaro ah oo wareersan hadad tahay ama qof dhalinyaro ah oo noloshu iskugu toosan tahay, qof dhalinyaro ah oo maamul iyo masuuliyad sare hayah , qof dhalinyaro ah oo cilmi sare leh ,qof dhalinyaro ah oo garan la meel uu kaga hagaago nolosha . Xaalad kasta oo aad ku jirto waxa aad u baahantahay in aad suradan la saaxiibto oo dhuuxdo waxa aad ku xidhmaysa EEBBE si toos iyada oo aanad wax buuran oo muuqda samaynin . EEBBE LA KULAN .
Waxaad ogaanaysa waxkasta oo ku sugantahay in ay yihiin wax lagula qabo markaas waxa aad haysa tubtii waxaas kugu fududaan lahayeen waa markaad heerkaas soo gaadho . EEBBE suuradda wuxu kaga waramaya qisas badan waxa ugu door roon wiilal dhalinyaro ah oo imaanka iyo macaamilka EEBBE ka door biday waxkasta oo noloshooda ah. 400 oo sano ayaa God lagu jiray waa maqeem sare. EEBBE Marku ka hadlaayo wiilashan waxay doorteen ilaa EYgii ay wateen ayuu EEBBE karaamada kooxdan darteed ugaga hadlay quraanka .
Qiimaha sare ee suuraddan sheekooyinka la xidhiidha waxa kamid ah in asxaabtii Nabiga mid kamid ah isaga oo tukanaya laguso tuuray leeb dhawr mar oo kala duwana uu kaga dhacay meelo kala duwan mar danbe isaga oo dhiiga shalaqsanaya ayaa asxaabi kale waydiiyay oo maxaad salaada uga bixi wayday intay waxan oo dhib ah kusoo gaadhayeen? Wuxu yidhi macaanka aan ku raxaysanayay ee aayadaha Surah kahfi baan awooddi wayay in aan kala jaro! Cajiib . Waxa kale oo kamid ah asxaabi ku tukanayay suuraddan in uu arkay daruuraha oo soodhawaanaya markaas Ayuu Mohammed ﷺ waydiiyay sababta?. Nabiga aya ku dhahay ku tuko suurada waa malaa’ig u usoo dagtay suuradda akhriskeedae . Waxa ay ku jirta suuradani martabad wayn oo nolosha u muhim ah .
Mohammed ﷺ in uu EEBBE tilmaan iyo tuusalayn dhab ah la wadaagayay waxay ku hagtay jidkii guusha. Suuraddana waxay kamid tahay marinadda ugu muhiim San ee EEBBE si toosa ugu xiraya Adoon kiisa. macne ahaan waa tubtii Hami kasta oo ka dhex guuxaya aadamaha Muslim iyo gaal waa amuuro dhadhan u leh. EEBBE oo aad la mucaamasho waxay furaysa albaab kasta.
MA U BAAHANTAHAY TAAS ?








