“Xirsi Waxaan Leeyahay, Guddoomiye-nimada Xisbiga Kuugu Darimayno Dhiig..” Mustafe Shiine

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Afhayeenka Urur-siyaasadeedka Shacabka Mustafe Ciise, ayaa u jawaabay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaasi oo eedaymo u jeediyey Madaxweynaha JSL iyo Wasiirka Arrimaha gudaha.

Mustafe Shiine oo qoraal ku baahiyey Internet-ka, ayaa yidhi “Ma jiro dhib uu Madaxweyne Muuse Biixi u geystay deegaanada  afgarashadoodu tahay Buuraha DALLO iyo GACAN LIBAAX, Xukuumaddii uu ka tirsanaana waxa hoggaankeedii oo ahaa Marxuum Cigaal uu qiray in laysku barbar-dhacay 4 sanadood oo uu la dagaalamaayay. Taasoo jirtana maanta ma jiraayo dagaal sokeeye oo cidi diyaar u ah iyo qaran ciddi handadi karto, haddiise Xirsi u hamuun qabo Jilibkiisa oo keliya ha ka keeno kuwa xabada ugu horeysa ridaaya, cuqaasha iyo salaadiinta Ardaagiisuna ummadda ha ugu baaqeen waxanuu raadinaayo..”

Mustafe Shiine waxa kale oo uu sheegay “Mid uun baan guddoomiyaha WADANI Waxaan Leeyahay Xisbigii la dhaqaaqdayee xejiso, dhiig kuugu darimaynee”. Ayuu yidhi Mustafe Shiine.

Arabsiyo News/Hargeisa Office