Hargeysa (Arabsiyo) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismàaciil (Saylici) iyo xubnaha Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda, ayaa Mushaharkooda kaga qayb-qaadanaya Gurmadka Abaarta dalka ka jirta.

Fadhigii 88-aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo khamiista Maanta ka qabsoomay aqalka Madaxtooyada, ayaa lagu go’aamiyey in Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wasiirradu ay min Hal bil Mushaharkooda kaga qayb-qaataan Gurmadka Abaaraha.

War-saxaafadeed ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo soo gaadhay Warbaahinta Arabsiyonews.com, ayaa lagu sheegay in shirka Golaha Wasiirrada lagu go’aamiyey in Madaxda Qaranku ay Mushaharkooda Hal bil kaga qayb-qaataan Gurmadka Abaaraha.
“Dood iyo falan-qayn dheer ka dib waxa fadhigii Maanta lagu go’aamiyey, si loo barbar istaago dadka ay abaartu saamaysay in Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Madaxweyne ku-xigeenka iyo xubnaha Golaha wasiirradu ay hal bil mushaharkooda ugu deeqaan hawlaha gurmadka iyo taakulaynta abaarta, si loo dardar-galiyo lana xoojiyo hawlaha gurmadka abaarta.” Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.

Go’aankan ayaa soo baxay, ka dib markii Wasiirka Wasaaradda Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan) oo ka mid ah Guddigu abaartu uu War-bixin uu siiyey Golaha Wasiirrada ku sheegay in Abaartu ka sii darayso Maalinba Maalinta ka dambaysa, gobolladana ka wada jirto, inkasta oo ay ku kala badan tahay.









