Faysal Cali Waraabe Oo Hanjabay, Eedaymana U Jeediyey Madaxweynaha Iyo Wasiir Kaahin

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa eedaymo u jeediyey Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha gudaha.

Faysal oo Maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan furista Ururrada siyaasadda iyo Doorashada Madaxtooyada, waxaanu yidhi “Maxamed Kaahin Maah-maahdii uu Ku Maah-maahay Miyaanu Xasuusnayn Markii uu la dagaalamay Xukuumadii uu Wasiirka ka ahaa  Ee Cabdiradman Tuur..”

Faysal waxa kale oo uu sheegay “Muuse Biixi Waxaan leeyahay, Markaad kasoo  noqoto Maraykan ayaa hadal inoo yaalla, ama dalka waynu wada yeelan, ama dhiigeennu kala qarsan” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Labadan Kornayl Waxay Is tuseen oo ay isku qanciyeen, in Muuse-na Muddo kordhin loo sameeyo, kadibna La sharraxo Maxamed Kaahin….”

 

Arabsiyo News/Hargeisa Office