Somaliland: KULMIYE Oo Ku Adkaysanaya Qorshe Mucaaradku Meel Adag Ka Taagan Yihiin

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Xisbiga Talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa sheegay in furista ururrada loo raacayo sharciga iyo xeerarka Qaranka.

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa xoojiyay ka go’naashaha xisbiga Kulmiye ee ku aadan in ururrada siyaasadda la furo ka hor doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Buuni ayaa sheegay in doorashooyinka Somaliland uu xeer jidaynayo sida ay u qabsoomayaan “Waxaan rabaa in aan shacabka u sheego in dalkan Somaliland doorashooyinkiisu ku qabsoomaan waajib sharci, mar kasta oo ay yimaaddana hay’adaha awoodda u leh mid kastaaba uu guto waajibkiisa..” ayuu yidhi Afhayeen Buuni oo Saxaafadda kula hadlay Hargeysa.

Afhayeenku wuxuu sheegay in saddexda xisbi ee WADDANI, UCID iyo KULMIYE ee hadda jira uu wakhtigoodii sii dhamaanayo, sidaas darteed loo baahan yahay in wakhtigan la furo ururradii siyaasadda si loo helo saddex xisbi oo cusub “Imika waxa taagan, muddo xileedkii saddexda xisbi Qaran oo ahayd 10 sanno, waxaana uu qaanuunku waajibinayaa in ururradii la furo, si saddex xisbi qaran oo shahaado xisbi haystaa ay 10 ka sanno ee soo socda ay u soo baxaan” ayuu yidhi Buuni.

Hadalka Afhayeenka KULMIYE, ayaa ku soo beegmaya xilli uu Somaliland ka taagan yahay khilaaf culus oo u dhexeeya Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Xisbiyada WADDANI iyo UCID, ayaa doonaya in doorashada Madaxtooyada la qabto, isla-markaana doorashada Ururrada la qabto ta Madaxtooyada ka dib, halka Xukuumaddu doonayso in doorashada Ururrada la qabto, ta Madaxtooyaduna ku xigto.

 

Arabsiyo News/Hargeisa Office