Hargeysa (Arabsiyo) – Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, ayaa Toddobaadkan waxay Degmada Ibraahim Kood-buur ee Magaalada Hargeysa u kala jabiyeen laba qaybood, maaddaama oo ay degmadaasi ballaadhatay, una baahatay maamulo kala duwan iyo Adeegyo badan.
Go’aanka Golaha Deegaanku uu labada Qaybood ugu qaybiyey, ayaa waxa ka dhashay Hadal-hayn la xidhiidha Magaca loo bixin doono Qaybta laga jaray Degmada Ibraahim Kood-buur, maaddaama oo ay Magac gaar ah u baahan tahay.
Dad badan oo Baraha Bulshada arrintan kaga hadlay, ayaa soo bandhigay Magacyada dadka ay ku talinayaan In loo bixiyo Xaafadda laga jaray Degmada Ibraahim Kood-buur.
Dadka ay Muwaadiniinta arrintan ka hadlay soo jeediyeen in Magacooda loo bixiyo waxa ka mid ah Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) oo ah Muwaadin u dhashay dalka Soomaaliya, kaasi oo sannadkii 1988-kii diiday in diyaarad dagaal oo uu duuliye ka ahaa ku duqeeyo Hargeysa iyo Shacabkeeda, xilligaasi oo Taliskii Maxamed Siyaad Barre xasuuq ba’an ka wadday Somaliland oo ka mid ahayd Jamhuuriyaddii Soomaaliya.
Axmed-dheere oo ku jiray duuliyeyaal loo soo xulay inay duqaymo ka geystaan Hargeysa, ayaa xilligaa diiday isla-markaana diyaaraddii uu waday ula baxsaday dalka Jabuuti, go’aankaas badbaadada ahaa oo guud ahaan Shacabka Somaliland ku majeerteen, marmar badana uga Mahad-celiyeen.
Sidaasi darteed, Axmed-dheere oo Maanta Waraysi siiyey Warbaahinta Arabsiyonews.com, ayaa la waydiiyey sida uu u arko soo jeedinta ah in loogu Magac-daro Xaafadda laga dhambalay Degmada Ibraahim Kood-buur ee Magaalada Hargeysa, waxaanu ku jawaabay inuu ka war hayo wanaagga ay Shacabka Somaliland u hayaan, balse uu soo jeedinayo in xaafaddaa loogu Magac-darro Cid isaga kaga mudan “Waan maqlay arrintaas, laakiin Aniga waxay ila tahay in loogu Magac-darro Mujaahid kale oo iga mudan..” ayuu yidhi, isagoo Shacabka Somaliland ku amaanay inay gaadhsiiyeen meeqaam aanu gaadhsiisnayn.









