Badhasaabka Selel Oo Guddoomiyey Shir Lagaga Tashaday Gurmadka Abaarta Ka Jirta Galbeedka Dalka

0

Boorama (Arabsiyo) – Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, waxa Maanta ka qabsoomay Shirka Maamullada Gobollada Selel iyo Awdal iyo Hay’adaha Caalamiga ah.

Shirkan oo uu Shir-guddoomiyey Badhasaabka Gobolka Selel Mowliid Maxamed Nuur, ayaa la iskula qaatay in gurmad deg-deg ah laga galo Abaarta ka jirta Gobollada Awdal iyo Selel, gaar ahaana deegaannada Xeebta.

War qoraal ah oo lagu baahiyey Bogga Facebook ee Maamulka Gobolka Selel, ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Shirka oo uu shir Guddoominayey Badhaasabka Gobolka Selel Mudane Mawliid Maxamed Nuur, oo  ku  wehelinaayey Xoghayaha Gobolka Awdal iyo  u qaabilsanaha xafiiska Hay’adaha, ayaa Maanta ka qabsoomay Magaalada Boorama.

Dood iyo falan-qayn dheer ka dib, waxa shirkii Maanta lagu go’aamiyey, in si wada jir ah looga hawwl-galo  lana barbar istaago dadka ay abaartu saamaysay  ee Gobolada Selel  iyo Awdal, Gurmad deg- deg ahna la gaadhsiio Deeganada Xeebta Gobolka Selel iyo Degmada Lughaya.

Ugu danbayntii, Guddoomiyaha Gobolka Selel Mudane Mawliid Maxamed Nuur ayaa Cod-dheer ku sheegay in Deeganada Xeebta lala soo gaadho Gurmad, maaddama lagu jiro xilli Abaar ah, wakhtigii Kulayha iyo Roobkii oo weli la sugayo.

Guddoomiye Mawliid wuxuu ILAAHAY SW uga baryayay  inuu Raxmaadkii inala soo Gaadho Guud ahaan Dal-ka dhana Naxariistiisa ugu Deeqo..”

 

Arabsiyonews/Hargeisa Office