Hargeysa(Arabsiyonews) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa soo dhaweeyay xukunka ay maxkamadu kasoo saartay khilaafkii xeerka furista ururrada siyaasada Somaliland.
Faysal oo aad uga soo horjeeday xeer Lr 14/21 oo ahaa qaybta wax ka badalka iyo kaabista ay ku sameeyeen golihii wakiilLada ee hore, ayaa u sacaba tumay in maxkamadu ay laasho 14/21 isla markaana dhaqan galiso xeer 14/11 oo horay layskula waafaqsanaa.
Waxaanu yidhi.”Waxaanu u aragnaa go’aanka maxkamadu maanta gaadhay in ay guul u tahay qaranka Somaliland, mar haday laashay oo ay waxba kama jiraan ka dhigtay, xeerkii la mul mulaaqay ee khatarta ku ahaa Somaliland, oo ay kusoo noqotay kii ahaa 2011, kaasi oo si qayaxan xuquuqda axsaabta u siinaya layskuna raacsanaa oo marna la isticmaalay”
Faysal ayaa sheegay in xisbi ahaan ay u diyaar garoobayaan, doorashadii madaxtooyada Somaliland.
Waxaanu intaas raaciyay.”Marka waa guul INSHA ALLAH, doorashadii madaxtooyada ayaanu u diyaar garoobayna, doorashada kalena madaxwaynaha soobaxa ayay u taalaa”
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office