Hargeysa(Arabsiyonews) – Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE, wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE, uu si buuxda u aqbalay go’aanka Maxkamada Sare ee Somaliland, kasoo saartay xeerka furista ururrada siyaasada ee muranka dhaliyay.
Wasiir Kaahin oo waraysi siiyay idaacada BBC Somali, ayaa sheegay in ay markii horena kalsooni ku qabeen maxkamada imikana ay si buuxda u aqbalayaan.
Waxaanu yidhi.”Maxamadu qaraarka ay soo saartay xisbiga KULMIYE, wuu taageerayaa, marka horena kalsooni ayuu kaga dhur sugayay, sidaa darteed wuu ku qasban yahay in uu teegeero waa hay’addi qaanuuniga ahayd ee dalka, haddii aanu diidno sharciga Qaranka dibada ayaanu ka ahaa nayna”
Wasiirka oo la waydiiyay haddii xukunka maxkamadu ka farxiyay xisbigiisa iyo haddii go’aanka maxkamadu uu ka horyimiid rabitaanka xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in go’aanka maxkamadu aanu la xidhiidhin rabitaan cid gaar ah.
Waxaanu yidhi.”Ninkii ina sanwayne la odhan jiray ayaa waxaa laga xigtay, gari walaal ma taqaano, sida darteed maxkamadda waxa loo dhiibo wixii aad adigu doonaysay iyo wixii aad diidaysay midna kuma xidhnee, waxay ku xidhantahay qaraarka maxkamadda”
Waxa uu sheegay in doorasho walba wakhtigeeda ku qabsoomayso, oo ay diyaar u yihiin in doorashada madaxyooyaduna wakhtigeeda ku dhacdo.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office