London (Arabsiyonews) – Baarlamaanka boqortooyada Ingiriiska, ayaa 18-ka bishan dood ka yeelanaya Aqoonsiga Somaliland.
Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa 18-ka bishan January 2022 u fadhiisanaya dood ay ka yeeshaan Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, waxaana ajandaha dooddaas oo uu soo jeediyey Xildhibaan Gavin Williamson noqon doontaa ‘In la aqoonsado Somaliland iyo in kale’, arrintaasi oo macno weyn ugu fadhida Jamhuuriyadda Somaliland, maaddaama oo baarlamaanka Ingiriisku fursad siiyey ka hadalka Aqoonsiga Somaliland baadi-goobayso muddada 30-ka sano ah.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








