Jabuuti-Dalalka Ethiopia iyo Djibouti oo xuduud dheer ay wadaagaan Somaliland, ayaa soo la gaadhsiiyey qaybtii u horreysay ee tallaalka lagaga hortago caabuqa Coronavirus, sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka ee labada waddan.
Shixnaddii u horeysay ee tallaalka Cudurka Covid-19, ayaa Sabtidii shalay la gaadhsiiyey dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo noqonaya dalkii labaad ee ka tirsan waddamada Jaamacadda Carabta ee tallaalka la gaadhsiiyo, waxaana ka horeeyey dalka Suudaan oo todobaadkii hore loo geeyey.

Arabsiyonews.com
Hargeysa/Office









