Hargaysa(AN):-– Dhaawacayada Hablo dhigta Macadka Dacwa ee magaalada Hargeysa ayaa la soo gaadhsiyey dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa.
Dhaawacyadan ayaa tiradooda warar hordhac iigu sheegeen inay soo gaadhen dhawr iyo toban arday oo hablo ah.
Waxaana sababay Dab ka kacay macadka Suna gudihiisa wakhtiga dabku kacay ayay ardeydu ku jireen fasalada xiisadaha loogu dhigayay islamarkaana markii ay waayen meel ay ka baxaan ayay dhaawacyada ugu badan ka soo gaadhen ka dib markii habluhu ka daateen daaqadaha macadka si ay nafahooda u badbaadiyan.
Weli lama xaqiijin waxa dabkaasi sababay tirada rasmiga ah ee khaasaraha rasmiga ah ee dabkaasi ka dhashay.
Wixii warar ka soo kordha halkan kala soco. Sawirada Hoose waa afaafka Hore ee qaybta gargaarka deg deg ah ee Cusbitaalka Hargeysa oo la soo gaadhsinayo dhaawacyada.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office