Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi,ay mar labbaad u tartami doonan Madaxtinimada Somaliland Gudoomiye Cirro ayaa yidhi,
“Muuse 2017-kii waanu tartanay, een hadana waxaan diyaar u ahay inaan hada mar kale si xarago leh u tartano, Isna waa og yahay inaan tartamayo”.
Gudoomiye Cirro oo ka hadlayay inuu xisbigiisu magaaloyinka dalka ku yeesho maayiro xisbigiisa ka tirsan ayaa yidhi,
“Doorka tartanka Maayirada waa la iskugu Imanayaa Haduu Kulmiye wada haystay berrigii hore, Rejo weynbaan ku qabnaa inaanu Magaalooyinka waaweyn qaybo ka mid ah aanu ku guuleysano hadii ilaahay ka dhigo”.