Deg deg. Maxkamadda sare ee Somaliland oo go’aan ka soo saartay saami-qaybsiga Doorashada Wakiillada

0

Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta qaraar ku soo saartay in doorashada golaha Wakiillada lagu galo qaabkii lagu galay doorashadii golaha Wakiilada 2005-tii.

Go’aanka Maxkamadda oo soo baxay maanta, ayaa waxa loo cuskaday codsi uu madaxweynuhu u gudbiyey oo ku saabsanaa inay tafsiir ka bixiso arrinta saamiqaybsiga metelaada goleyaasha.

Nuqul kamida beyaanka Maxkamadda oo gobanimonews soo gaadhay ayaa lagu sheegay  in Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ay laashay qodob dabar ku haa xeerka doorashada Golaha Wakiilada.

qaraarka ayaa  wuxuu u dhignaa sidan:

  1. Waxay aqbashay codsiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku taariikhaysnaysan 12/08/2020.
  2. Waxay laashay weedha ah “Doorashadan oo kaliya” ee ku xusan Qodobka 12aad Faqradiisa 1aad ee xeer Lr.20.2.2005 ee ka hadlaya in saamiga kuraasta goballadu ku yeelanayaan Golaha Wakiilada loo qaybiyay in uu ahaa hal doorasho oo ah doorashadii 2005tii oo kali ah.
  3. Doorashada Golaha Wakiilada waxa lagu galayaa habka qaybinta saamiga kuraasta goballadu ku ku yeelanayaan Gollaha Wakiilada ee ku xusan Qodobka 12aad, Faqradiisa 1aad ee xeer Lr 20.2.2005, marka laga reebo inta qodobka laga laalay oo ah (Doorashadan oo kali ah) ee ku xusan faqrada hore ee qaraarkan, inta laga helayo hab kale oo sharci ah oo bedela oo la xidhiidha habka qaybinta saamiga kuraasta gobolladu ku yeelanayaan Golaha Wakiilada.”

Beyaanka waxa ku saxeexnaa guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo garsooreyaasha Maxkamadaasi.