Afhayeenka WADDANI Oo yeedhmada xafiiska dambi-baadhista ku tilmaamay cago-juglayn iyo cabsi gelin.

0

Afhayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun, ayaa waxa saaka looga yeedhay xarunta dambi-baadhista Hargeysa, halkaasoo uu sheegay in su’aallo laga xidhiidha dhaleecaymaha uu xukuumadda u jeediyo lagu waydiiyey.

Afhayeenka, ayaa sheegay in su’aallaha la waydiiyey ay ku jirtay arrin uu shalay ka dhawaajiyey oo ah in uu madaxweynuhu si xan ku soo gaadhay u nasab cay isaga, taasoo uu sheegay in caynteedii uu u gudbiyey xafiiska dambi-baadhista, kaddib markii la waydiiyey.

Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sidoo kale yeedhmada xafiiska dambi-baadhista ku tilmaamay cago-juglayn iyo cabsi gelin.

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office