Daawo Madaxda Hay’addaha Amaanka Somaliland Oo ku dhawaaqay In Amaanka Dalku Sugan Yahay

0

Hargaysa(AN):-Madaxda Hay’addaha Amaanka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in nabad-gelyada dalka ee xuduudaha iyo gudahaba si buuxda loo sugayo maalinta beri oo loo dareerayo Doorashada Madaxtinimada.

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in heegan la geliyey Ciidamada kala duwan ee Badda, Beriga iyo Milateriga.

Cabdilaahi Fadal Iimaan Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, oo ugu horayn Shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa sharaxaad ka bixiyey qaabka laamaha Boolisku uga howl-gelayaan sugida nabad-gelyada.

Halkan ka Daawo:

Geesta kale Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani, ayaa isna sheegay in Ciidanka Milaterigu diyaar u yahay ka hortaga cid kasta oo isku dayda inay Carqaladayso habsamida Doorashada, waxaanu si gaar ah farriin ugu diray Maamulka Puntland oo uu tilmaamay inay dhaqdhaqaaq ka dhan ah Doorashada Somaliland ka  abaabulayaan Deegaamada xuduudka.

Halkan ka Daawo:

Dhinaca kale, Magaalada Hargeysa ayaa si weyn looga dareemayaa diyaar-garowga Doorashada, waxaana  maanta aad u  yaraaday saxmada Gaadiidka ee gudaha magaalada.