Gabiley :Xildhibaano Siyaasada Agnaan ka ah oo ku kaliyeystay Ololihii Xisbiga Waddani iyo Siaasiga Abiib Timacad oo ka Muquurtay

0

Gabiley(AN):Siyaasiga Abiib Diiriye Nuur (Timacad)  oo kamid ahaa Siyaasiyiinta Xisbiga Waddani umatalaysay ka qayb galka Ololaha Xisbigaasi uu ka waday Gobolka Gabiley,Siyaasiga oo ahaa hormoodka  Xisbiga Waddani Siyaasad ahaan umatalayey Gobolka

.Abiib Timacad ayaan gabi ahaanba saaka faaruqiyey fagaaraha Xisbigiisu kala hadlayey tageerayaasha uu ku leeyahay Magaaladaasi ,waxaanay dadku iswaydiinayeen halka uu ka dhacay Siyaasigii Abiib

Waxaanay dad Xogogaal noo xaqiijiyeen  Waji gabaxan uu Abiib Timacad uu maanta ucidleeyey fagaarihii uu qorshaysnaa Tageerayaasha Xisbiga uu khayriyada Gabiley kala hadlo ,

Wararka ayaa sheegaya dhacdadani in  ay salka ku hayso hadalo deel qaaf ah oo uu dhawaan ku weeraray shacbiga ku dhaqan magaaladaasi taasina ay ku noqotay bar madow  Siyaasiga.

Dhanka kale Maqnaashiyaha Abiib Timacad ee Fagaaraha Gabiley waxay ku noqotay cidlo ciirsila Xildhibaanadii Siyaasada Agnaanka ka ahaa ee Xisbigaasi umatalayey Golaha degaanka Gabiley iyo  Tiro  shicib ah oo riyadii iyo rajadii ay ulanayeen umuuqatay Siyaasiga ka dhuuntay fagaarihii ay ubalan sanaayeen dhoolatuska iyo ismuujinta. halkaasooy iyagoo kabna laad laadinaya kabna xidhan uga huleeleen xaafadihii ay kasoo jarmaadeen Arooryadii hore iyagoo ku jeeni qaaran Astaanta Xisbigaasi ee Liimiga ah.

 

 

Arabsiyonews.com