Muqdisho(AN):-Dadweyne Taageersan Xisbiga WADDANI, ayaa kulan ku qabtay Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya, kaasoo ay taageero ugu muujiyeen Murrashaxa Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Xisbigiisa.
Qaar kamida Dadkaasi oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay inay ku doorteen inuu yahay Shakhsi mideyn kara Soomaaliya , isla markaana dib u soo celin kara midnimadii Dawladnimo iyo bulsho ee Soomaaliya.
Waxay intaa ku dareen inay rajo-wanaagsan ka qabaan inuu Cabdiraxmaan Cirro ku guulaysto Doorashada Somalialnd ee dalka ka dhici doonta Bisha soo socota.









