Deg deg : Masuuliyiintii Xisbiga Waddani ee Degmada Arabsiyo oo iscasiley

0

Arabsiyo(AN) Masuuliyiintii xisbiga Waddani eeMagaalada Arabsiyo ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay in ay gabi ahaanba iskacasileen xXisbigii ay ka tirsanaayeen ee Waddani

Masuuliyiintan ayaa waxa horkacayey Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo ee Xisbiga Waddani Maxamuud  Axmed  Jamac,Garabka dhalinyarada Iid Cumar Shugri

Iyo Axmed Shugri oo kamid ah Xubnaha ugu sareeya xisbiga Waddani ee  Gobolka Gabiley

Xubnahan iska casiley Xisbiga Waddani ayaa shirjaraaid ooay ku qabteen Magaalada Gabiley ku sheegay in ay gabi ahaanba ka huleeleen Xisbigii ay hore uga tirsanaayeen

Waxaanay Xisbiga Waddani ku eedeyeen mid ku guuldaraystay hirgalinta qorshayaashii Siyaasadeed  ee  uu ku hanan lahaa quluubta shacbiga  guud ahaanba gobolka Gabiley

Warka oo Muuqaal ah Goordhow ka daawo Shabakada ArabsiyoNews.com