Turkey Oo Uga Digay Mareykanka Iyo Russia Dagaal Sadexaad Oo Dunida Kadhaca Inay Sababto Colaada Syria

0

Xaaladda ka aloolsan ee u dhaxaysa Washington iyo Masco ayaa sii xumaanaysay maalmihii u danbeeyay . Hargeisa (AN) Wargeysk The Independent ayaa daabacay , in Turkey gu walaac badan ka muujiyay dhawrjeer Colaadan sii xumaanaysa ee kajirta Dalka Syria , waxaanu sheegay US iyo Russia ay Galin karaan Dagaal wayn oo kadhaca dunida oo dhan , haddi aan laxalin colaadda kajirta Syria. Xaaladda ka aloolsan ee u dhaxaysa Washington iyo Masco ayaa sii xumaanaysay maalmihii u danbeeyay . Usbuucii lasoo dhaafay Mareykanka iyo Ingriiska ayaa kadigay inay cunaqabtayn dhaqaale ay ku soorogayaan Russia iyo xulufadeeda Dawladda Syria , hadii aanay ka joojin Qarxinta joogtada ah ay ku hayaan Magaalada Go’doonsan ee Xalab. Maalintii Isniintii Russia ayaa ku dhaleecaysay Washington inay sameyneyso hanjaabad aan hore loo maqal oo ah hanjaabad weerar oo kusabsan Computer ka, arrinta ayaa timid kadib markii uu Mamulka Obama uu ku ee deeyay Mascow inay jabsadeed Computers ay leeyihiin Xisbiyada Siyaasadda Mareykanka. Sidoo kale Warbaahinta kasoo baxda dalka Russia ayaa iyaguna daabacay in Madaxeyne Putin uu “ Ciyaarayo Ciyaar khatarteeda leh” colaada Syira ka aloosan , taasina ay horseedi karto Dagaal sadexaad oo dunida kadhaca