ArabsiyoNews–Xaalada degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa saaka degan ka dib markii shalay galab uu ka dhacay dagaal aad u culus oo dhexmaray ciidamada dowlada iyo xoogaga Al-shabaab oo halkaas weerar isugu jiray isqarxin iyo dagaal toos ah ku soo qaaday, iyagoo muddo koobana la wareegay degmadaas. Ciidamada dowlada oo xalay dib ugu laabtay degmada Afgooye ayaa halkaas ka wada howlgalo baaritaano ah oo lagu xaqiijinayo amaanka, iyadoo shacabka degmadaas ay hadal hayaan dagaalkii shalay halkaas ka dhacay oo ahaa mid lama filaan ah, waxaana caadi ku soo laabtay xaalada degmada Afgooye. Dagaalkii shalay ka dhacay Afgooye ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad toban ruux oo isugu jiray shacab iyo dhinacyadii dagaalamay, waxaana la xaqiijyey in dadka geeriyooday ay ku jiraan saraakiil iyo maasuuliyiin ka tirsan maamulka koonfur galbeed Somalia. Dadka dagaalkan ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah, Taliyihii ciidanka asluubta ee degmada Afgooye C/qaadir Maskiinow, G/Dhexe Axmed C/qaadir Gorod oo ka mid ahaa Saraakiisha Xoogga dalka Soomaliyeed iyo Maxamed Daahir Qooley oo ahaa isku Duwihii Maaliyada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa sheegay in weerarkii shalay lagu soo qaaday Afgooye uu ka mid ahaa qiyaanooyin uu tilmaamay inay kooxdaas mar walba adeegsato, isagoo tacsi u diray qoyskii iyo eheladii dadkii ku naf waayey weerarkan. Weerarkii shalay ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee Al-shabaab ku soo qaadaan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose tan iyo markii kooxdaas afar sano ka hor laga saaray degmadaas.
Arabsiyo.Com
ArabsiyoNews@gmail.com








