Madaxwayne Obama oo dhaliilay Siyaasada Donal trump oo uu ku tilmaamay …

0
Obama

Arabsiyo News–Madaxweyne Obama ayaa ku dhaliilay musharraxa xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, in uu siyaasaddiisa u ekeynayo tan madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uuna markasta ammaano.

Obama ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid aan looga baran siyaasadda Maraykanka.

Mr Trump ayaa ballanqaaday in uu xiriir dhow la yeelan doono Ruushka, haddii uu ku guuleysto tartanka loogu jiro Aqalka Cad.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale Trump ku cannaantay eedeyntiisa ah in looga shuban doono doorashada bisha dambe dhacaysa, asagoo ugu baaqay in uu calaacalka joojiyo, isla markaana uu siyaasadihiisa ka iibiyo shacabka Maraykanka

 

Arabsiyo.com

ArabsiyoNews@gmail.com

source BBC