Safiirka dowlada Somalia u fadhiya dalka Kenya, Ambassador Jamaal Xasan ayaa sheegay inay sababta ay Dowladda Somalia u joojisay Qaadka laga keenyo Kenya ay tahay hadal ka soo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Meru ee Kenya Peter Munya.
“Guddoomiyaha Gobalka Meru ee ay ku yaallaan Beeraha Qaadka ee Kenya, Peter Munya ayaa bishii July booqasho ku tegay magaaladda Hargeysa, isagoo la kulmay Madaweyne-ku-xigeenka Somaliland, C/raxmaan Ismaaciil Zeylici iyo Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Maaliyadda ee Maamulkaasi, isagoo ka codsaday inay u fasaxaan in Qaadka Kenya loo iib keeno Somaliland, si taas bedelkeedna uu ugu ololeeyo sidii ay dowladda Kenya u aqoonsan lahayd gooni isu taaga Somaliland” ayuu yiri danjiraha.
Ambassador Jamaal Maxamed Xasan oo Wareysi siiyey Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa tilmaamay in Peter Munya uu u isticmaalay Ganacsigiisa inuu u ololeeyo sidii uu Maamulka Somaliland uga go’i lahaayeen Somalia, taasoo uu sheegay iney xad gudub qaawan ku tahay qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.
Booqashada Peter Munya uu bishii July ku tegay magaaladda Hargeysa ayuu sheegay danjiruhu iney sababtay cadaadis Siyaasadeed oo ku yimid dowlada Soomaaliya, kaasoo ugu dambeyn keenay in la joojiyo Ganacsiga Qaadka Kenya ee loo iib geysan jirey Somalia.
“Wuxuu farageliyey Arrimaha Gudaha dalka, Waxaana uu isku xiray Midnimadda Xuduudaha dalka iyo Ganasiga Qaadka” ayuu yiri Danjiraha Somalia u jooga Kenya.
Ambassador Jamaal Maxamed Xasan waxa uu sheegay in dowladda Federaalka ay arrintaas kala xaajoonayso dowladda Kenya si xal looga gaaro falka uu ku dhaqaaqay Peter Munya.








