Burco{ArabsiyoNews}–Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in rag dabley ahi ay ku af-duubeen duleedka magaalada Burco nin ganacsade ah oo u dhashay, garoowe.
Waxaanay wararku intaas ku dareen in nimanka ganacsadahan afduubay ay ula kaceen dhanka buuraleyda sil-silada Golis.
inkasta oo aanay magaciisa rasmiga aanay noo sheegay cidii aanu warkan ka helay
Ilaa hadana ma cada sababta keentay af-duubka ninkan ganacsadaha ahaa ee u dhashay, Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.
Mana jiraann ilaa hada wax faahfaahina oo ka soo kordhay afduubka ninkan ganacsadaha ah,wixii warara ee danbe ka soo kordhana waxaanu idiinka soo gudbin doona wararkayaga danbe
Arabsiyo Desk
ArabsiyoNews@gmail.com








