War Deg Deg ah Kayse Axmed Digaale oo Xabsiga Burco loo Taxaabay +Maxaa Sababay ?

0

Burco (Arabsiyo-News):- Gudoomiye  ku xigeenkii ururka suxufiyiinta  Somaliland ee SOLJA isla markaana ah suxufi ka hawl gala telefishanka madaxa banan ee Horn Cable Tv ugana soo warama magaalada Burco Saxafi Kayse Axmed Digaale ayaa  xabsiga loo taxaabey

 

Wararka  ay Warbaahintu Ka Helayso xadhiga saxafigaas ayaa waxaa la sheegayaa in uu ka danbeeyey garsoore ka hawl gala maxkamada magaalada Burco kaas oo la sheegay in uu ka cadhoodey isla markaana uu dhibsadey war uu dhawaan saxafigu ku baahiyey bartiisa Facebook .

Saxafi Kayse Axmed Digaale  ayaa waxaa uu dhawaan barta uu ku leeyahay shabakada ay bulshadu ku xidhiidho ee Facebook ku soo daabacay arin uu ku sheegay in uu mucjiso tahay isla markaana uu la kulmay taas oo  ku taxaluuqda nin garsoore ka ah magaalada Burco  oo beerka isqabta marka la eedamo kaas oo xanuunka laga jaro marka uu milix cuno oo uu sheegay in uu isagu arintaasi goob joog  u ahaa iyada oo ay ku dhacdey garsooraha